Dar-Dar Galinta Hawlaha Casriyeynta Xisaab-Xidhka iyo Guud Ahaan Barnaamijka Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dalka

Hargeisa 23-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL waxa ay sanadihii u danbeeyey ku hawlanayd meelmarinta casriyeynta maamulka maaliyadda Dalka guud ahaan, iyada oo la yagleelay xafiis u gaara fulinta hawlahaas, waxa la dajiyey oo la meel-mariyey xeerarkii lagu hagi lahaa barnaamijka, waxa dib loo qaabeeyey qaab-dhismeedyada waaxaha iyo qaybaha Wasaaradda Maaliyadda si ay ula jaan-qaadaan barbaamijkan, waxa la qalabeeyey xafiisyada maamulka iyo lacagta iyo xisaabiyayaasha Wasaaraddaha, Hay’adaha Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida, waxaana tababaro la siiyey guud ahaan saraakiisha iyo hawl-wadeenada ku shaqo leh lacagaha. 
Waaxda X/Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL
Website: slmof.org
Email: Info@slmof.org
Whatsapp: +252-657729999
Tell: +2522-513856