Golaha Wasiirrada JSL Oo Meelmariyey Miisaaniyad Sannadeedka 2021 Oo Wadarta Guud Ee Miisaaniyadii Hore ee 2020-kii ka badan 2.9%

Hargeisa 05-Dec-2020(WHM) Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta qasriga Madaxtooyada ku yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:
 Dawladda dhexe
 Dawladaha hoose
 Hay’addaha madaxa-bannaan
 SDF
 World Bank
 JPLG.
Cadadka oddoroska miisaaniyad- sannadeedka 2021-ku wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay
mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:
1. Amniga
2. Caddaaladda
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Wax-soo saarka
6. Deegaanka
7. Tamarta
8. Maamul wanaaga
9. Doorashooyinka
10. Ictiraafka
Dhinaca kale Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo Maamulka Maaliyadda JSL ee PFM-ka, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, taas oo loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.