Hargeisa 23 April, 2022 {WHM}-Kulanka Masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyo Wafti ka Socda Xukuumadda Heer-Deegaan Ee Somaalida Ethiopia.

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Amb. Rooda Jaamac Cilmi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa ku qaabishay xarunta dhexe ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda wafti ka socda xukuumadda heer deegaan ee Dawladda Deegaanka Somalida Ethiopia.

 

Waftiga oo ay hogaaminaysay Marwo. Marwa Cabdicasiis Wasiir-Ku-Xigeenka X. Ganacsiga iyo Gaadiidka oo qayb ka ahaayeen Kuxigeenka, La-Taliyaha Xafiiska Gaadiidka iyo Ganacsiga, Ku-Xigeenka Xafiiska Maaliyadda, La-Taliyaha Madaxweyne-Ku-Xigeenka, Wasiir-Xigeenka X. Maaliyadda, Wasiir-Xigeenka X. Ganacsiga iyo Gaadiidka, Agaasinka Hab-maamuuska Xafiiska Madaxwaynaha, Agaasinka Maamulka Maaliyadda iyo Xubno kale.

Intii uu socday kulankan laba geesoodka ahi waxa ay masuuliyiinta labada dhinac ka wada hadleen sidii ay is kaga kaashan lahaayeen arimo ay ka mid yihiin:

 

  1. Koboca ganacsiga iyo dhaqaalaha.
  2. Sidii si wada jir ah loogu xakamayn lahaa sicir-bararka.
  3. Fududaynta isu-socodka labada dhinac hadii ay tahay badeecaddaha iyo dadka u kala gudbaya xuduuda labada dhinac.
  4. Is-dhaafsiga wixii aqoon iyo khibrad uu dhinacba dhinaca kale ku dhaamo.
  5. Iyo yagleelida gudiyo farsamo oo sii wada qodobada la is la qaatay.

 

Gabobgabadii kulanka waxa loo balamay in kulamo kale la is kugu yimaado, kuwaas oo ka dhici doona hadii Rabi ogolaado magaalo ganacsiyeedka wajaale iyo caasimada dawladda deegaanka Somaalida Ethiopia ee Jigjiga.

 

Ugu danbayn, Somaliland iyo DDSI ayaa wadaaga wax badan iyada oo is badelka badanaa ku yimaada ganacsiga iyo guud ahaan nolosha labada umadood uu si is ku mid ah u saameeyo, sidaa darteedna ay tahay khasab in si wada jira la iskaga kaashado hadba wixii soo kordha.

 

=Wabilaahi Tawfiiq=

 

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

www.slmof.org/ www.som.slmof.org

Info@slmof.org

513856

Whatsap No: + 252-657729999