Hargeisa 24-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL gaar ahaan

Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda oo kaashanaysa Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa soo qaban-qaabisay Kulan Hawleed ku saabsan hannaanka baadhista dembiyada musuqa iyo wax is daba marinta. Kulan Hawleedkan oo socon doona sedex cisho waxa ka soo qaybgalay 18 hawl-wadeen oo ka kala socday hay’adaha garsoorka oo ay kamidyihiin Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Waaxda Dembi baadhista (CID) Bileyska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadaha dalka.
Slmof.org 
Info@slmof.org