Kulan-Hawleedka Qiimaynta Ku-talo-galkii Dakhli ee 2021, iyo Yoolka 2022, ee Xafiisyada Dakhliga iyo Xisaabiya-yaasha Gobolada

Hargeisa 16,March,2021 (WHM)- Waxa maanta magaalada Hargeisa lagu soo xidhay Kulan-hawleed sanadle ah oo lagu qiimaynayey ku-talo-galkii dakhli ee kal-hore (2021), iyo bartilmaameedka sanadkan bilawga ah ee 2022, kaas oo wajigiisii kowaad war-bixino lagaga dhagaystay maamulayaasha Xafiisyada dakhliga ee C/Berriga iyo Kastamada iyo sidoo kale Xisaabiya-yaasha Gobolada.
Ujeedada Kulan-hawleedka ayaa daaranayd in qiimayn lagu sameeyo hawl-qabadka xafiisyada dakhli soo saarka si loo kala ogaado kan gaadhay Ku-talo-galka odoroskii dakhli ee u yaalay iyo kan ka gaabiyey, asbaabaha keenay hoos u dhaca ama kor u kaca, caqabaddaha iyo fursaddaha jira.
Waxa intii kulan hawleedku socday ay masuuliyiinta xafiisyada dakhliga iyo xisaabiya-yaasha goboladu la wadaageen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda war-bixino ku saabsan hawl-qabadkoodii oo sanadle ah, iyaga oo gunaanadkii munaasabaddana soo jeediyey wixii ay talooyin ama weydiimo qabeen, maadaama ay yihiin wakiilada Wasaaradda u jooga Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.
Waxaana xusid mudan, in wadarta guud ee dakhligii dhabta ahaa ee kal-hore (2021) ka sara-maray qadar dhan 3% odoroskii dakhli ee is la sanadkaa. Natiijada ka soo baxday Kulan-hawleed ka ayaa sidoo kale muujinaysa in horu-socod weyn laga sameeyey barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda mudadaa sanadka ah.
Waxa sidoo kale barnaamijka qayb ka ahaa muxaadaro diini ah oo ciwaankeedu yahay "Kaalinta ay siisay diinteena suubani gudashada amaanada iyo ilaalinta xoolaha umada". Sh. Maxamuud Jamiil oo ka mid ah culimada waaweyn ee Dalka ayaa ku dheeraday faaiidada uu ka dheefo qofka si fiican u gutaa if iyo aakhiraba, iyo cidhib xumada uu la kulmo qofka ku gabood-fala ee xad-gudub ku sameeya maalka Dawladda.
Qudbado dardaaran iyo waano isugu jira oo ay Wasiirka, Wasiir-Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyaddu u jeediyeen xidhitaankii kulanka kadib waxa maamulayaasha iyo xisaabiya-yaasha gobolada la gudoonsiiyey abaal-marino, gaar ahaan masuuliyiinta gaadhay amaba dhaafay bartilmaameedkii loo xadiday.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
															<ul class=
  • 275842134332492898920723701015051145663681n
    View
  • 275657068331523949017618592407793308872910n
    View
  • 2761307303324929722540493858146692311519200n
    View