Waaxda Shaqaalaha Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Qabatay Shaqaale Hawleedka Wasaaradda Ee Gobolada TOGDHEER, SAAXIL Iyo AWDAL.

Borama 03-Dec-2020 (WHM)Waxa Degmada Boorame ee Gobolka Awdal 03/12/2020 lagu soo gabo-gabeeyey wajigii u danbeeyay tababar mihiim ah oo 24-kii November ka furmay Degmada Burco ee gobolka Togdheer, sidoo kale lagu soo tababaray shaqaale hawleedka ka hawl gala Degmada Berbera ee gobolka Saaxil, tababarkaas oo qaatay mudo 13 cisho ah ayey u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada shaqaale hawleedka Nadaafada ee ka hawl gala xarumaha Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Somaliland ee gobolada iyo Degmooyinka dalka.
Waxa tababarkaas curintiisa iyo fulintiisaba gadhwadeen uga ahayd Wasaaradda, Waaxda Horumarinta Shaqaalaha ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland.