Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Furay Saraakiil Ka Tirsan Cidanka Ilaalada Cashuuraha.

Hargeisa, April 6, 2021 (WHM) - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Cabdi Gurxan ayaa tababar mihiim ah xalay u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada cashuuraha Somaliland ee Turba-taariyada ee ka hawlgala magaaladda Hargeisa.
Tababarkaas ayaa ciidanka lagu barayey casharo ku taculuqa daryeelka macmiilka iyo xidhiidhka Bulshadda.
Agaasimaha horumarinta maaliyadda Mr Gurxan ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada cashuuraha Somaliland ee tababarkaasi loo qabtay inay si wanaagsan ula dhaqmaan cashuur-bixiyaha, kaas oo madashaasi ka sheegay inay mihiimad wayn qaranka iyo wasaaradaba u leedahay xaqdhawrka iyo daryeelka cashuur-bixiyuhu.
Agaasime Gurxan waxa uu sidoo kale madashaasi ka sheegay inay ka wasaarad ahaan ka shaqayn doonaan sidii loo kobcin lahaa aqoonta ciidanka ilaalada cashuuraha si ay xogogaal ugu noqdaan noocyada cashuuraha iyo culuumta cashuurta.
Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda horumarinta maaliyadda JSL ayaa mudooyinkii u danbeeyey xooga saaraysay kor u qaadista iyo kobcinta wacyiga hawl-wadeenada cashuuraha iyo ciidanka ilaalada cashuuraha.
Waxa kale oo iyaguna madashaasi ka hadlay Agaasime ku xigeenka waaxda cashuuraha berriga Md Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Laas) iyo taliyaa ciidanka ilaalada cashuuraha Gen. Cismaan Xaashi Daahir, kuwaas oo iyaguna kula dardaarmay mihiimada tababarkaasi.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Email: Info@slmof.org
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999