Hargeisa 25 April, 2022 (WHM)-Kulan Lagaga Arinsanayey Fududaynta Bixinta Liisamada Iyo Ruqsaddaha Ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa gudoomiyey Kulan muhiimad sare leh oo ka dhacay xafiiskiisa kaas oo ay qayb ka ahaayeen 14 masuul oo is kugu jira Wasiiro, Wasiir-Xigeeno, iyo Agaasimayaal Guud, kana kala tirsan Wasaaraddaha; Horumarinta Maaliyadda, Ganacsiga & Dalxiiska , Horumarinta Caafimaadka, Xanaanaha Xoolaha & Kaluumaysiga, Deegaanka, Cadaaladda & Arimaha-Garsoorka, iyo Boosaha & Is-Gaadhsiinta.

 

Kulankan oo qaatay mudo, intii uu socday waxa lagaga wada hadlayey fududaynta bixinta laysamada iyo ruqsaddaha ganacsig, iyada oo ay Dawladdu eegayso culaysyada dhaqaale ee ay keeneen abaarta, sicir-bararka iyo gubashadii suuqa-dhexe ee waaheen, is la markaana la dhiirigalinayo koboca ganacsiga waxa la go’aamiyey in la soo koobo talaabooyinka loo maro qaadashada laysamada ganacsiga si loo yareeyo wakhtiga iyo kharashka kaga baxa ganacsatada qaadashadiisa.

 

Waxa intaa dheer in ay dhawaan Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganacsigu si wada jira uugu wargaliyeen ganacsatada in loo samayeeyey qiima dhaaf Liisamada dhacsan Sanad wax kabadan iyada oo laga qaadi doona uun sanadkii udanbeeyay oo kaliya, qiimo-dhaaf kaas oo socon doona ilaa iyo bisha lixaad ee sanadkan.

 

 

=Wabilaahi Tawfiiq=

 

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

www.slmof.org/ www.som.slmof.org

Info@slmof.org

513856

Whatsap No: + 252-657729999